Shir caalami ah oo ay deeq-bixiyeyaashu ka yeesheen arrinta Suudaan ayaa toddobaadkan lagu qabtay Waashintoon, xilli ay duruufaha colaaddu sababayaan cadaadisyo daarran joojinta colaaddan horseedday mid ka mid ah dhibaatooyinkii bani-aadannimo ee ugu xumaa dunida, taas oo hadda sii galaysa sannadkii saddexaad.
Shirkan waxa isugu yimid ergo ka socotay Maraykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Imaaraadka Carabta, iyo dawlado iyo hay’ado caalami ah oo kale, waxana lagu gorfeeyay digniino xooggan oo laga bixinayo macaluul sii xumaanaysa, barakac baahsan iyo burburka adeegyadii aasaasiga ah ee qaybo badan oo ka mid ah dalka Suudaan.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwidda Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher, ayaa, isaga oo ka hadlay shirkan, sheegay in dhibaatada bani-aadannimo ee Suudaan ay “soo jiitantay in ka badan kun maalmood oo la soo dhaafay” isla markaana ay wadato macaluul, xadgudubyo arxandarro ah, iyo barakac baahsan, iyada oo haweenka iyo gabdhuhu ay wajahayaan khataro aad u daran oo ay ku jiraan “xadgudubyo jinsi oo cabsi leh.” Fletcher ayaa sheegay in Suudaan ay tahay qaybta ugu muhiimsan ee qorshaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee gurmadka bani’aadannimo ee sannadkan 2026, kaas oo ujeedkiisu yahay in 87 milyan oo qof oo adduunka ah la gaadhsiiyo gargaar.
Mudane Fletcher waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibbadeedu ay “hiigsanayaan in ay gargaar badbaadin nololeed ah sannadkan gaadhsiiyaan in ka badan 14 milyan oo qof oo ku nool gudaha Suudaan,” kuwaas oo ay ku jiraan cunto, gargaar caafimaad, biyo, adeegyo nadaafadeed, iyo taageero ilaalineed oo loogu talagalay haweenka iyo kooxaha nugul. Hase yeeshee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in maalgelin qudhi aanay ku filnaan doonin haddii aan la helin marin sugan oo lagu gaadhsiiyo, rayidka oo la ilaaliyo, iyo ugu dambeyn xabbad-joojin waarta.
Shirkani waxa uu diiradda saaray ururinta qaadhaan lagu maalgeliyo gargaarkan si loo daboolo baahida dhaqaale ee ka sii daraysa, taas oo curyaamisay hawlgalladii bani-aadannimo. Sida ay sheegeen mas’uuliyiin Maraykan ah, wadarta qaadhaanka lagaga ballanqaaday shirkan Waashintoon ayaa la filayay in ay gaadho ku dhawaad 1.5 bilyan oo doollar oo Maraykan ah.
Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa keligii ku yaboohay deeq dhan 500 milyan oo doollar oo ay ku taageerayaan sanduuq bani-aadannimo oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan. Dawladda Imaaraatka oo hore loogu eedeeyay in ay faragalin sii hurinaysa ku hayso colaadda Suudaan ayaa mar kale xaqiijisay mawqifkeeda ah in “mustaqbalka Suudaan ay go’aamiyaan dadkeedu, iyada oo loo marayo kala-guur siyaasadeed oo uu hoggaaminayo nidaam rayid ah oo loo dhan yahay,” waxana ay ku baaqday “xabbad joojin waarta oo aan lagu halleyn labada dhinac ee dagaallamaya – waa Ciidanka Suudan iyo ciidamada RSF”
Maraykanka ayaa, isna, si gooni ah ugu dhawaaqay ballanqaad dheeraad ah oo ku dhow 200 milyan oo doollar oo loogu talagalay Suudaan. La-taliyaha Sare ee Maraykanka u qaabilsan Afrika, Muscad Boolis, ayaa sheegay in Waashintoon ay sii xoojinayso dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad joojin bani-aadannimo, ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan, si loo fududeeyo helitaanka gargaar aan sugan oo aan kala go’ lahayn. Boolis waxa uu sheegay in horumarkaa laga gaadhay xabbad joojintu uu yahay mid kooban, in kaste oo dadaallo diblumaasiyadeed la sameeyay, isaga oo intaa ku daray in dagaalkan sii socdaa uu wiiqayo hawlgallada bani-aadannimo.
Colaadda Suudaan oo bilaabatay bishii Abriil ee sannadkii 2023, kana dhex qaraxday Ciidanka Militariga Suudaan iyo xoogagga hubeysan ee Taageerada Degdegga ah (RSF), ayaa galaaftay tobannaan kun oo ruux waxaanay barakiciyeen malaayiin Suudaani ah, iyada oo qaybo ka mid ah dalka ay galeen xaalad macaluul ah. Suudaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta in ay taageerayaan RSF, eedeyntaasi oo ay Abu Dabay mar kaste beeninaysay.
Labada dhinac ee ku dagaalamaya Suudaan ayaa hadda kala haysta galbeedka dalka oo ay haystaan xoogagga RSF oo xukuumad isbahaysi ka dhistay Niyaala, iyo Beriga iyo Waqooyiga oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Milatariga Suudaan iyo Xukuumad Ku-meelgaadh ah oo ay ka dhisaan taas oo u soo guurtay caasimadda Khartuun ka dib markii ay ciidanku ka saaraan xoogagga RSF. Dagaalkan iyo qaabka ay dhulka u kala haystaan labada dhinac ayaa keenaysa khatar ah in uu dalkaas mar kale u kala go’o labo qaybood.
