(Hortabin Media) – Waxaa iminka gudaha dalka ka billawday qorshe dhaqaalle loogu uruurinayo ciidamada jooga furimaha hore ee dagaalka, ee ka qeyb qaadanaya gulufka ka dhanka ah Al Shabaab.
Maalmihii ugu danbeeyey oo uu qorshahan billawday, waxaa xaafadaha Muqdisho guri walba oo ku yaalla soo garaacayey askar boolis ah, oo ka socota degmada uu gurigaasi ka tirsan yahay, kuwaas oo shacabka weydiisanaya dhaqaalle lagu taageerayo ciidamadaasi.
Askartan oo wata gaari oo ku xiran yahay cod baahiye sheegaya in dhaqaalle loo ururinayo ciidamadaasi, ayaa guri walba ka qaadayey lacag u dhaxeysa 10-ilaa 20 dollar, taas oo kaalmo looga dhigayo ciidamadaasi.
Dowladda Soomaaliya waxey Muqdisho ka daad gureysay ciidamo fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaaddanaya gulufka Al Shabaab looga xoreynayo qeybo ka mid ah meelaha ay kaga sugan yihin dalka.