Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Ururka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu yaboohay lacag iyo saanad ciidan, taas oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gudaha Dalka.

Midawga yurub ayaa dowladda Soomaaliya siiyey lacag gaareysa Hal Milyan oo Yuuro, taas oo ay la socdaan agabka milatariga oo dhameystiran.

Deeqdan ka timid Midawga Yurub ayaa waxaa gudoomay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taas oo iyaduna ka mahadcelisay dadaalka uu Midawga Yurub ku bixinayo dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa carabka ku dhufatay in dhaqaalahan loo isticmaali doono tayeynta iyo qalabeynta ciidamada xoogga, si ay guullo la taaban karo uga soo hoyaan dagaalka Al Shabaab.

Midawga Yurub ayaa in badan taageero dhan walba leh u fidinayey dowladda Soomaaliya, waana mid qeyb ka ah dalalka daneeya Soomaaliya iyo sida dhaw ula socda siyaasada dalka.

Exit mobile version