Friday, September 12

Af-hayeenka Ciidamada Nabad ilaalinta ee ATMIS Lt Col Abdulahi Ganale oo ay shaqdiisu ku ekeyd shalay oo ay taariikhdu ahayd 31-ka August, ayaa diray dhambaal sagootin ah.

Af-hayeenka ayaa ugu horeyntii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay howshii uu la soo qabtay ATMIS, isagoo xusay inuu gutay waajibaadkiisa Af-hayeenka ATMIS ahaan, isagoo u mahad-celiyey hoggaanka sare ee Midawga Afrika.

Af-hayeenka ayaa ku sheegay in shaqada ATMIS uu ka helay khibrad badan, isla markaana maanta uu yahay qof bisil oo leh xirfad sare, wuxuuna geesta kale bogaadiyey howlaha ay wadaan shaqaalaha rayidka ah ee MHQs, IST iyo Booliska ATMIS.

Col A H Ganale ayaa yiri “Nafhurnimada aan u bixinnay, si gaar ah iyo si wadajir ah annagoo u daneynayna Afrikada aan jecelnahay ee leh dhibicda ugu dambeysa ee dhiigeenna waxay ii noqon doontaa dhiiri-gelin nolosha oo dhan ah. Adkeysigaaga ayaa bidhaaminaya in Afrika ay leedahay wiilal run ah.

Wuxuu Af-hayeenka qiray in Dhacdadii Buulo Mareer ay astaan u ahayd qiimaha ugu dambeeya ee lagu bixiyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale yiri” Nabad-dhisidda waa geeddi-socod ee maaha hawl-mar keliya. Markaad u gudubto wejiga xiga ee CONOPS iyo STP, waxaan idiin rajeynayaa wanaag iyo in howlgalka Midowga Afrika uu ku riyoon karo, hadaf wanaagsan oo ah soo celinta nabadda Soomaaliya, inuu helo faa’iidooyin Guullo Hawleed , oo ka dhan ah argagixisada.

Af-hayeenka ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay yihiin waqtigan kuwo daciif ah, wuxuna hoosta ka xariiqay in dadaalada la wado ay saamixi doonaan in si dhab ah loo wiiqo awoodooda iyo jiritaankoodaba.

Wuxuu kaloo yiri” Si sharaf leh, hadda batoonka u sii dhaafa kuwa naga dambeeya si aan riyada Midowga Afrika u rumowdo si loo fuliyo Waajibka ATMIS-ka. Midowga Afrika ha noolaado – Midnimada Afrika ha noolaato.

Waxaan salaamayaa AU waxaanan ku soo gabagabeynayaa in aan dhaho “aluta continua”

Exit mobile version