Saturday, September 13

Dhalinta Soomaaliyeed qeybtood ayaa xilligan Madaxweynaha Soomaaliya ka sugaya ballan-qaadkii ku aaddanaa in dowladiisa ay shaqo abuur u sameyn doonto dhallinyaro aad u fara badan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kal hore, kulankii dhallinyarada ee Muqdisho ka qabsoomay billawgii sanadkii hore.

Dhallinyarada ay shaqo la’aantu hareysay ayaa buux dhaafiyey caasimada iyo gobollada dalka, waxaana badankood ay yihiin kuwo soo dhameystay heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Daruufaha shaqo la’aanta ayaa ka mid ah waxyaabaha dhallinyarada Soomaaliyeed badankood ku qasbaya in dalka isaga tagaan, isla markaana ay u tahriibaan dalal shisheeye si ay u helaan nolol dhaanta tan dhulkooda hooyo.

Exit mobile version