Friday, September 12

Dhaliilo culus ayaa dul hoganaya Garsoorka Dalka, oo sanadihii ugu danbeeyey lagu eeddeynay caddaalad darro iyo wax is daba marin, ay masuul ka yihiin shaqaalaha hay’adaha garsooka.

Caqabada ugu culus ee daashatay garsoorka ayaa lagu tilmaamayaa masuq maasuq, arrintaas oo diideysa in la helo garsoor cadli ah oo ay bulshadu ku wada qanacdo.

Hay’adaha Garsoorka dalka ayaa muhiimad gaar ah siinaya qofka jeebka buuran, marka loo bar bar dhigo ruuxa ay dacwadu kala dhaxeyso, waana arrinta sanado badan cuuryaamineysay  garsoorka dalka.

Dadka dhibanayaasha u noqday garta eexda ku dhisan ee la geeyo maxkamadaha dalka, ayey ku doodaya in garsoorka dalka ka jira uu leeyahay hal fure, kaas oo ah dhaqaalle.

Wasiirka Caddaalada Soomaaliya, oo arrintan si dhaw uga war hayo, ayaa musuq uga digay dadka ka shaqeeya hay’adaha garsoorka, balse hadalkiisa cidna dhag jalaq uma siinin, waxaana weli hay’adaha garsoorka ka socda masuqii hore uga jiray.

Dhan walbaba oo laga eego, garsoor cadli ah oo ay muwaadiniintu helaan ayaa fududeyn kara soo noqoshada dowladnimada dalka, waana arrin adag waqtigan in la helo, ilaa la suuliyo musuq ay ku caan baxeen hay’adaha kala duwan ee arrimaha garsoorka ka shaqeeya.

Exit mobile version