Sunday, September 14

Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaa u fariisatay dhageysiga dacwada loo heyso 36 eedeysane oo ajaanib ah, kuwaas oo sida la shegay watay labo doomood, oo ay si sharci darro ah uga kalluumysanayeen Xeebaha Soomaaliya.

Eedeysanayaashan ayaa isugu jira 33 Iraaniyiin ah iyo seddex Pakisntaniyiin ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maxamuud axmed cismaan, ayaa ugu horeyn furay dooda maxkamada,

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada yaxye maxamuud sacid ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudaba galo xukunka kiis dacwadeedkan

Gabagebada fadhigii maanta ayaa gudoomiyaha maxkamada waxa uu soo jeediyey in eedeysanayaasha ajaanibta ah xabsiga lagu sii hayo ilaa inta ay maxkamadu go’aan ka soo saareyso

Eedeysanayaashan ajaanibta ah ayaa horey kiiska loo heysto waxaa go’aan uga gaartay maxkamada gobolka banaadir taas oo ay racfaan ka qaateen waxaana maanta ay ahayd markii labaad oo ay maxkamada racfaanka u fadhiisato dhageysiga dacwada loo heysto.

Exit mobile version