Sunday, September 14

Waxaa maanta maxkamadda Gobolka Banaadir ka billaabatay Dhageysiga dacwad la xiriirta masuq maasuq, taas oo loo heysto masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda.

Masuuliyiinta maanta maxkamadda ka soo hor muuqday ayaa ahaa qaar ka mid ah saraakiil hoose oo u shaqaysa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dawladda Soomaaliya.

Intii ay maxkamada socotay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa diiday is hortaaga qareenada difaacaya eedeysanayaasha, kuwaas oo doonayey in dib loola laabto eedo lagu soo ooggay xubnahan

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo xeray dacwada waxaana uu sheegay in Maxkamadda aysoo sheegi doonto waqtiga xigga.

Exit mobile version