Friday, September 12

Booliska Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay nin ka tirsan Al Shabaab, kaas oo ku howlanaa falal lidi ku ah amniga magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliska ayaa ninkan ka soo qabtay degmada Hodan kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen.

Saraakiisha ciidamada ee ninkan soo bandhigay ayaa sheegay, inuu watay bam-gacmeed, isagoo doonayey inuu weeraro bar kontrool oo ay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa soo hagaagayey amniga caasimadda, waxaana yaraaday weeraradii ka dhici jiray magaalada, oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Exit mobile version