Friday, September 12

Waxaa isi soo taraya wararka laga helayo weerarkii ay Al Shabab ku qaadeen ciidamadii Ugandha ee ku sugnaa saldhigii Buulo Mareer.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Ugandha ayaa sheegay, in Afar askari oo ka tirsan ciidamada Ugandha ay is qarinayaan wax ka badan lix maalin.

Ciidamadan ayaa ku sigtay in ay u geeriyoodaan baahi iyo haraad, waxaana mid walba uu isku qarinayey meel gaar ah, oo ka tirsan saldhigii la weeraray ee Buulo Mareer.

Sarkaalka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in haraad awgiis uu ciidamadooda gaarsiiyey, in ay cabaan kaadidooda, waxaana ciidamadan dib loo helay markii Ugandha ay dib ula wareegtay saldhigii ay ka qabsadeen Al Shabaab.

Ugandha oo weerarkan aad uga carootay ayaa Soomaaliya u soo dirtay saraakiil baaritaan ku sameysa, waxyaabaha fududeeyey weerarkan, oo sida ay sheegeen looga dilay 54 ka tirsan ciidamadooda.

Inkastoo, aan la xaqiijin karin Al Shabaab waxey sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 137 askari oo ka tirsan ciidamadii Ugandha ee ku sugnaa saldhiga Buulo Mareer.

Si Kastaba dowladda Ugandha ayaa ku adkeysaneysa in ciidamadooda ay sii joogaan Soomaaliya, wallow ay caddaadis kala kulmayaan shacabka dalkaasi, oo soo jeediyey in ciidankooda laga soo saaro Soomaaliya.

Exit mobile version