Saturday, September 13

Waxaa xalay Muqdisho la soo gaarsiiyey dhaawacyo kor u 15, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay falalkii amni darro ee ka dhacay Baardheere iyo Garoowe.

Bukaanada laga keenay Garoowe ayaa ku dhaawacmay dagaalkii dhawaan ka qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaare baaxad leh.

Sidoo kale dadka laga keenay Baardheere, ayaa ku dhaawacmay qaraxyadii Arbacadii lagu weeraray magaaladaasi, kuwaas oo ay masuuliyadooda sheegatay Al Shabaab.

Dhaawacyadan oo aad u liita ayaa loo kala qeybiyey xarumaha caafimaadka Muqdisho, halkaas oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Gudaha caasimada, waxaa si joogta ah loo keenaa bukaano badan oo ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Exit mobile version