Saturday, September 13

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashada maanta ka dhaceysa deeganada Somaliland, taas oo ah mid toos ah, waxaana saacadihii la soo dhaafay Warsaxaafadeed soo saartay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga codsaday guddiga doorashada Somaliland inay hubiyaan maamulka doorashada iyo hufnaanteeda, si looga baaqsado rabshado ka dhashay natiijada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashada Somaliland, taas oo ah mid dimoqoraadi ah, waxaana dowladda Soomaaliya ay arrintaasi ku tilmaantay mid amaan mudan.

Dhinaca kale Culuma’udiinka Somaliland ayaa baaq ku aaddan ilaalinta nabadda iyo in loo hogaansamo natiijada doorashada u diray guddoomiyeyaasha xisbiyada iyo ururada siyaasadeed ee ku tartamaya doorashadan.

Culumada ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka codeynaya iyo warbaahinta inay ka fogaadaan waxii wax u dhimaya xasilloonida, iyagoo dhinaca kalana ciidanka amnigana ku boorriyay sugidda amniga doorashada.

Exit mobile version