Saturday, September 13

Saciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland oo saacadihii la soo dhaafay khudbad ka jeediyey shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah.

Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ugu horeyn carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay la daalaa dhaceyso faragelin uga imaaneyso dariska iyo caalamka, taa oo sida uu tilmaamay hor taagan in Soomaalidu ay heshiiso.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale digniin u diray madaxda Soomaaliya, isagoo ka digay in aan dalka loo horseedin qalalaase iyo fowdo, dib dowlad dhiska dalka ugu celin karta halkii laga soo ambaqaaday ee Carte.

Saciid Deni ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada in ay ilaaliyaan dastuurka, isla markaana caqabad walba oo jirta lagu xaliyo waan waan iyo wada hadal.

Weedhaha uu ku hadaaqayey Deni oo u muuqday kuwo dabacsan, ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf culus uu u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo maamulka uu hoggaamiyo ee Puntland, kuwaas oo iminka xiriirkoodu uu aad u hooseeyo.

Exit mobile version