Monday, September 15

Siyaasyiin ka soo jeeda Puntland iyo Madaxweynayaasha Galmudug Iyo Jubaland, ayaa maalmihii ugu danbeeyey waday waan waan ay ku xalinayaan khilaafka ka dhex oogan dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Saacadihii ugu danbeeyey waxaa baaqday kulan lagu waday inuu ka dhaco Gaalkacyo, kaas oo dhex mari lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo hoggaanka Puntland.

Kulankan ayaa waxaa baajiyey Madaxweyne Deni, kaas oo codsaday in dib loogu dhig, waana tallaabo daahineysa in xal laga gaaro khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland.

Siyaasyiintan oo aan ka niyad jabin xalinta khilaafkan, ayaa warbaahint si hoose ula wadaagay in ay qaban qaabinayaan kulan kale, kaas oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, iyagoo si toos ah u wada hadli doona, si loo xaliyo tabashada jirta.

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa hoos u dhacday wada shaqeyntii dowladda dhexe iyo Puntland, waxaana arrintaasi ay saameyn ku yeelatay hannaanka dowladnimada dalka, Iyadoo Puntland aanay ka soo muuqan kulamadii ugu danbeeyey ee ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran.

Exit mobile version