Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay daahfuray kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaas, ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo kala duwan.
Madaxweyne Deni ayaa ugu horeyn wax laga xumaado ku tilmaamay qariirad uu shaaciyay in ay faafisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ah in la isku heysto qaybo kamid ah Gobolka Mudug oo kala qaybiya Puntland iyo Galmudug.
Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in aanay jirin dagaal ama xiisad kala dhaxeysa Dowlad-Goboleedka Puntland, wadashaqeyntooda ayuu ku sifeeyay in ay tahay mid heer sare ah oo labada dhinac iskaashadaan.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana uu si cad u sheegay in Puntland ay garab u tahay Jubaland.
Saciid Deni ayaa geesta kale soo hadal qaaday arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood dastuuriya u lahayn inay faragaliso doorashooyinka ka dhacaya maamul goboleedyada.