Friday, September 12

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku qaabilay wefti sare oo ka socda hawlgalka Maraykanka ee Qaaradda Afrika, ayna hoggaaminayaan saraakiil sarsare oo Maraykan ah.

Weftiga uu qaabilay madaxweynaha Puntland ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Col. ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo tagey magaaladda Boosaaso.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, waxaana Puntland uga mahadcelisay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen dabar goynta Daacish.

Puntland ayaa waqtiga wada dagaal culus oo ay ku ciribtireyso kooxda Daacish, waxaana Mareykanku uu qeyb ka yahay dalalka maamulkan ka taageeraya dagaalkan, iyagoo ilaa iyo iminka fuliyey dhowr duqeyn oo lala beegsaday saldhigyadii Daacish ee buuraha Calmiskaad.

Exit mobile version