Friday, September 12

Diyaarad ku sii jeeday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyata ayaa si degdeg ah ugu degtay beerta Uhuru ee magaalada Nairobi.

Diyaaradda ayaa sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu qasbay inay si degdeg ah u degto ka dib markii ay isticmaashay Jidka Weyn ee Nairobi Expressway sababo la xiriira cimilada oo xumaa subaxnimadii saaka.

Kooxaha gurmadka degdega ah iyo dab-damiska ayaa hadda ku sugan goobta iyaga oo hawlgal samatabbixin ah ku daad gureynaya dadkii ku jiray diyaaradda.

Amaanka beerta Uhuru iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn loo adkeeyay si looga ilaaliyo dadka xiisaynaya inay tagaan goobta ay wax ka dhaceen.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version