Thursday, September 11

Sida lagu qoray warsaxafaadeed ka soo baxay Bangiga Adduunka, waxaa dalka Soomaaliya la siiyey deeq loogu tala galay in ay ku kobciso awoodda hay’adaheeda dowliga ah.

Deeqdan ayaa sidoo kale kaalin ka geysaneysa, in inay horumar ka samayso Soomaaliya hiigsigeeda ku aaddan hannaanka deyn cafinta.

Lacagtan oo cadadeeda lagu sheegay $75 million, ayaa noqoneysa deeqdii labaad ee lagu taageero Soomaaliya, waana mid loo qorsheeyey in ay ku kobciso hay’adaheeda dowliga ah, si ay u gaaraan isku filnaan.

Sida warka ka soo baxay Bangiga Adduunka lagu sheegay, Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xidhiidh ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bangiga Adduunku uu tilmaamay in ay ku taageerayaan Soomaaliya, oo sida uu xusay dadaal ugu jirta hirgelinta barnaamijkeeda dib u habaynta.

Barnaamijka oo kobcinaya awoodda hay’adaha dowliga ayaa sidoo kale noqonaya mid soo jiidanaya maalgashadayaasha, waana qorshe abuuri kara inuu dalku helo fursado dhaqaale oo hor leh.

Exit mobile version