Ciidamada dowladda iyo kuwo ATMIS ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bakool.
Deegaanadan ayaa waxaa ku sugnaa Al Shabaab, waxaana weerar culus oo lagu qaaday kadib ay isaga baxeen deeganadaasi.
Deegaanada Al Shabaab laga saaray ayaa hoos tagay degmada Waajid, waxaana lagu magacaabaa Malable iyo Baar oo ka tirsan Bakool.
Ciidamadan ayaa halkaasi abaaray kadib howlgal ay ku beegsanayeen xubno ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayey.