(Hortabin Media) – Gudaha dalka waxa muddooyinkii ugu danbeeyey qaar ka mid ah dhallinyaradu ay noqdeen kuwa daroogo ahaan u isticmaala cirbado iyo kaniiniyo xanuun baabi’ye xooggan ah, iyadoo kuwii qabatimay Opiates-ka laga helay xanuuno u badan kuwa dhimirka ku dhaca.
Jaadka, sigaarka iyo buuriga ayaa sanado badan ahaa muqaadaraad caan ka ah, Soomaalida dhexdeeda, hayeeshee, iminka waxaa ku soo biiray balwado kale, oo sida la sheegayo ka halis badan kuwaasi.
Kaniiniga Taramadool iyo Pethidine oo ah xanuun baabi’yayaal xooggan, isla markaana la siiyo bukaannada dhaawacyada halista ah ay soo gaaraan, ayaa iminka balwad ay maanka ku dooriyaan u noqotay qaar badan oo ka mid ah dhalinta ku nool gudaha dalka, waxanna ay ka isticmaalaan tiro ka badan inta la siiyo bukaanka loogu tala galay daawadan, taasoo naftooda u horseedeysa waxyeelo caafimaad oo aad u daran.
Dhallintan jirkooda ku daroogeeya dawooyinkan, ayaa isku dura cirbado xanuun baabi’ye xooggan ah, kuwaas oo ay ka soo iibsadaan goobaha farmashiya-yaasha ah ee lagu iibiyo dawooyinka, waxanna wadooyinka caasimada ku arkeysaa, iyagoo aad u dawaqsan oo hadba gidaarkii ka hor yimaada ku dhacaya.
Kuwa maandoorinta u isticmaala dawooyinkan xanuun baabi’yaha ah, ayaa sheegaya in ay farxad ka raadinayaan, iskuna ilawsiiyaan daruufaha aggahooda yaala, waxanna jira dhallinyaro shaqeysata oo iyaguna isticmaalo dawooyinkan waxyeelada ku leh caafimaadka qofka aaddanaha ah, kuwaasoo tilmaamaya in ay iskaga ilaalinayaan daalka, waana kuwa badankooda wada mootada bajaajta, halka qaar kalana ay yihiin kuwa ka xamaasha dhismaha guryaha.
Shaqooyinka adag ee ay hayaan, oo sida ay sheegayaan ah kuwa jirku ku daalayo, ayey tibaxayaan inuu kaniinka ama cirbaddu ay ka caawineyso in aysan dareemin culeyska howsha ay hayaan, waana kuwa qabatimay oo mararka qaar maan-doorsooma, isla markaana loola cararo xarumaha caafimaadka.
Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in ay adag tahay in la iska daayo dawooyinkan, waana kuwa qabatinkoodu uu fudud yahay, iyadoo maalinba maalinta ka danbeysa ay isi-soo tarayaan kiisaska la helayo, taasoo ah mid ay walaac xooggan ka muujinayaan bahda caafimaadka.
Dhallinta qeybtood ayaa dawooyinkan ay sida qaldan u qaadanayaan ka dhaxlay, xanuun uu ka mid yahay kan dhimirka, taasoo ka dhalatay hurdo la’aanta ay leedahay dawooyinkan xanuun baabi’yaha saa’idka ah, iyadoo lagu baaqayo in wacyi galin la siiyo dhallinyarada si ay uga feejignaadaan qatarta ku iman karta noloshooda.
Taliska booliska ayaa hore u sheegay in boolisku diyaariyay waax gaar ah oo la dagaallanta dhibaatada heysta dhallinyarada, iyadoo lala gaashanayo Wasaaradaha kala ah; Amniga iyo Diinta iyo aw-qaafta, isla-markaana uu gacan ka geysanayo xaafiiska Guddoomiyaa Gobolka Banaadir, balse arrimahaasi dhamaantood ma aysan dhaqan galin.