Tuesday, September 16

(Hortabin Media) – Ciidamada dowladda gaar ahaan guutada Gor-Gor oo maalmihii ugu danbeeyey fasax kooban iyo nasiino uga maqnaa fariisimada ciidamada dowladda, ayaa waqtigan u jiheysanaya furimaha hore ee dagaalka.

Ciidamada oo baxaya toddobaadkan gudihiisa, ayaa shalay la isugu keenay Xerada Jeneraal Daa’uud ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dardaaran ku siiyeen masuuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga iyo cadaaladda.

Masuuliyiintii la hadlay ciidamada Gor-Gor waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, kaas oo ciidamada kula dardaarmay in ay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara sharafta ciidamada Soomaaliyeed.

Shuute ayaa ciidamada ku wargaliyey in ay gacanta ku dhigaan askarigii ku kaca fal ka baxsan qorshayayaasha u degsan ciidamada, wuxuuna carabka ku dhuftay in lala xisaabtami doono askari walba oo geysta xad gudub dhan walba ah.

Ciidamada Gor-Gor ayaa waqtigan aadaya furimaha hore ee dagaalka, waxaana ay qeyb ka yihiin ciidamada laga sugayo in ay Al Shabaab ka fara maroojiyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada dhexe ee dalka.

Exit mobile version