Monday, September 15

Qaar ka tirsan darawalada gaadiidka Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujinaya ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, kuwaas oo lacago baad ah weydiista darawalada.

Darawalada ayaa sheegaya in ciidamadan ay caqabad ku noqdeen nolol maalmeedkooda, waana kuwo doonayo lacago laaluush ah, oo caddadoodu gaareyso $5 dollar ilaa $10.

Darawaladan ayaa sheegaya in aysan lacagahaasi awoodin, waxeyna ku andacoonayaan in ay yihiin canshuur bixiyayaal xaq u leh in ay isticmaalaan wadooyinka Muqdisho.

Si Kastaba dadka wata gaadiidka kala duwan ayaa dhibaato ku qaba isticmaalka wadooyinka Muqdisho, tan iyo markii ay soo kordheen baaritaanada la xiriira amniga, kuwaas oo ay ku lamaan tahay caqabad laaluush ah.

Exit mobile version