Askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gudaha Muqdisho ku dilay wiil dhallinyaro ah, kaas oo ahaa darawal mooto bajaaj.
Askarta dilka geysatay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 4- kuwaas oo wada socday, waxaana ay doonayeen in qaab xoog ah ay ku raacaan mootada uu watay marxuumka.
Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jira Cabdimajiid Maxamed, waxaana meydkiisa uu ku xareysan yahay Faranjiyeer ay leedahay xarun caafimaad oo ka tirsan kuwa ku yaalla Caasimada.
Ehelada Marxuumka ayaa dalbanaya caddaalad, walow aan weli gacanta lagu dhigin askartii falkaan geysatay, taas oo xaaladda sii murjineysa.