Thursday, September 11

Danjirihii hore Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa dowladdiisa uga digay in ay aqoonsato Somaliland, waxa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika inay u baahan tahay in si feejigan ay Washington uga falgasho.

Larry ayaa tilmaamay in danaha Maraykanka iyada oo la eegayo haddana aan laga gudbi Karin xeendaabka oo la xeeriyo diblumaasiyadda Dalalka kala duwan ee Caalamka lagu wajahayo si aanay qadaf siyaasadeed uga dhicin dalkiisa.

Washington ayuu uga digay in ay qaaddo tallaabo la xiriirka kala go’a Soomaaliya isla markaanna Somaliland u aqoonsato dal ka madaxbannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa keliya u furan ay tahay in wadatashi la sameyso Dalalka dhaca Gobolka & Midowga Afrika.

“Danaha Maraykanka iyo maslaxada ugu wanagsan ee dadka gobolka Geeska Afrika waxay u baahan yihiin in siyaasadda Maraykanku dib u eegis ku sameeyo maqaamka Somaliland weliba si taxadar leh, waa xaqiiq in amniga iyo siyaasadda Somaliland horumar wanaagsan ka muuqdo balse ma ahan in Maraykanka uu qaado tallaabooyin hal dhinac ah” ayuu yiri Larry Andre, Danjirihii hore Maraykanka ee Soomaaliya.

Dhawaan, Senator Ted Cruz oo katirsan Xisbiga Talada Maraykanka haya ee Jamhuuriga ayaa qoraal uu u diray Madaxweyne Donald Trump waxa uu usoo jeediyay in uu aqoonsado Somaliland, waxaa ka dhalatay falcelin xooggan oo ka dhan ah hadalkaas.

Exit mobile version