Thursday, September 11

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoontay danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday dalkaas, kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika.

Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda iyo masuuliyiinta wasaaradda ayaa ka wada-hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dowladood ee soo jireenka ah iyo sido kale dhinacyada u baahan in iskaashi cusub laga sameeyo.

Koonfur Afirka ayaa si weyn loogu dhibaateeyaa bulshada Soomaaliyeed ee u badan ganacsatada ah, waxaana si joogto ah loogu geystaa dil, dhaawac iyo boob loo geysanayo xarumahooda ganacsiga.

Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi, ayaanan wax badan ka qaban dhibaatada lagu hayo bulshada Soomaaliyeed, waana sababta keeneysa in Soomaalida aanay macno badan ugu fadhin, qusun walba oo loo magacaabo safaarada Soomaaliya ee Koonfur Afrika.

Lama ogga waxa uu qunsulkan cusub ku soo kordhin karo, xaaladdii jirtay, waxaase looga fadhiyaa inuu door weyn ka qaato tacadiyada joogtada noqday ee lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfur Afrika.

Exit mobile version