Sunday, September 14

Ciidamada Danab oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Jubaland, ayaa kooxda Al Shabaab ka saaray deegaano badan oo ay gacanta ku hayeen.

Tallaabada ay ciidamada Al Shabaab uga xoreeyeen deeganadaasi, ayaa timid kadib howlgal ballaaran oo ay si siman u sameeyeen ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubaland.

Deegaanada Al Shabaab laga saaray ayaa kala ah: Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Sida ay muujinayeen sawiro lagu daabacay bogga maamulka Jubaland, howlgalka ayaa lagu bur buriyey, saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen goobahaasi, iyadoo lagu soo furtay hub kala duwan.

Al Shabaab ayaa ku xooggan deegaanada maamulka Jubaland, iyagoo fariisimo ku leh deeganao ka tirsan Jubada Hoose, iyagoo si rasmi ah gacanta ugu haya guud ahaan gobolka Jubada Dhexe.

Exit mobile version