Sunday, September 14

Wadamada xuduudaha la leh Soomaaliya ayaa xilligan ku qasban in ay qeyb ka noqdaan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Wadamadan ayaa culeys amni kala kulmaya kooxda Al Shabaab, kuwaas oo billaabay in ay ka tallaabaan xuduuda Soomaaliya, si ay weeraro uga geystaan dalalkaasi.

Culeyska ugu badan waxaa dareemaya dalka Kenya, oo Al Shabaab bilihii ugu danbeeyey ay ka geysteen weeraro ka dhashay khasaare kala duwan.

Weeraradan oo ah kuwa aad u tiro badan, ayaa dadka lagu beegsaday waxaa ka mid ahaa ciidamada Kenya, taas oo ay walaac ka muujisay Kenya.

Itoobiya ayaa iyana muujineysa cabsi aad u xooggan oo ku aaddan in Al Shabaab ay saameyn ku yeeshaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Caqabadahan amni ayaa dalalkan ku qasbaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana iminka ay qeyb ka yihiin ciidamada ka dhex muuqanaya wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeeda Al Shabaab oo lagu wado inuu dhawaan billawdo.

Exit mobile version