Saturday, September 13

Shir ay magaalada Qaahir ee dalka Masar ku yeesheen Guddiga wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ayey waxey taageero xooggan ugu muujiyeen dowladda Fedraalka ee Soomaaliya.

Wasiirada dalalkan Carabta ayaa dowladda Itoobiya uga digay in ay ku xad-gudubto madax-bannaanida Soomaaliya, taas oo ay ku sifeeyeen arrin aan la aqbali karin.

Shirkan waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, kaas oo shir gudoomiyey kulan gaar ah oo yeesheen wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heerka wasiirrada arrimaha dibedda, waxaana si aad ah loogu gorfeeyey sidii dalalka Jaamacadda Carabta ay u garab istaagi lahaayeen Soomaaliya, oo waqtigan ay xiisad kala dhexeyso Itoobiya.

Gabagebadii Shirka Wasiirada arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta oo soo saaray bayaan ayaa Itoobiya uga digay wax walba oo Geeska Afrika u horseedi kara colaad, waxaana ay ugu baaqeen in ay damacooda ka laabtaan, maaddaama uu yahay mid aanan suura gali karin oo dagaal horseedi kara.

Exit mobile version