Friday, September 12

Saacadihii la soo dhaafay dagaallo culus ayaa ka dhacay magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaas oo ay ka socoto colaad daba dheeraatay.

Dagaalkan oo intii uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa u dhaxeeya ciidamada milatariga dalkaasi iyo kuwa gurmadka deg dega ee loo yaqaan RSF.

Gudaha Sudan waxaa adag in ay dhaqan gasho xabad joojintii lagu dhawaaqay, waxaana maanta Sacuudiga ka furmaya wada hadalo ay isugu imaanayaan dhinacyada isku haya Sudan.

Sacuudiga ayaa rajo badan ka qaba inuu soo afjaro colaada ka taagan Sudan, waxaana laga dhursagayaa natiijada kulanka maanta ka dhacaya magaalada Jiddeh ee dalka Sacuudiga.

Muddo 29 casho ah ayuu waqtigan socdaa dagaalka Sudan, kaas oo qarxay 15-kii April, wuxuuna dagaalkani saameyn ku yeeshay  noloshii dalkaasi, iyadoo ay ka barakaceen dad fara badan, oo ay ku jiraan Soomaali.

Exit mobile version