Monday, September 15

Cabsi aad u ballaaran ayaa laga qabaa xilligan inuu daba dheeraado dagaalka u dhaxeeya ciidamada SSC Khaatumo iyo kuwo Somaliland.

Cabsida oo jirtay tan iyo bishii February ee sanadkan, ayaa xoogeysatay markii Jimcihii Somaliland laga saaray saldhigii ay ku lahayd duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga Goojacade loo yaqaano ilaa deegaana Maraaga.

Ciidamada Somaliland oo ku sugan Oog, ayaa xilligan diyaar u ah in ay soo qaadaan weerar rogaal celis ah, sida uu ku goodiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah, ayaa ka mid ah kuwo muujinaya walaaca ku aaddan dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamul goboleedyada oo uu shirka wadatashiga  usoo gebagaboobay, ayaa soo hadal qaaday xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo SSC.

Madaxda dowladda iyo kuwa maamulladu waxey ku baaqeey in dagaalka la joojiyo, lagana fogaado wax kasta oo xiisada sii hurin kara.

Beesha Caalamka oo bayaan soo saartay ayaa iyaduna dhinacyada usoo jeedisay in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana tabashada jirta lagu xaliyo wada hadal.

Dhinacyada baaqyada diraya ayaa ku taliyey in dhinacyadu oggolaadaan in gargaar la gaarsiiyo dadkii uu saameeyey dagaalkaasi, oo in muddo ah ku dayacan dhulka miyiga ah.

Dhinac kasta oo laga eego, ma muuqato waan waan ama xal rasmi ah oo looga hortagi karo inuu daba dheeraado dagaalka SSC iyo Somaliland, waxaana la ogayn waqtiga dhabta ah ee uu dagaalkaasi soo idlaan karo, maaddaama Somaliland ay go’aan ku qaadatay in ay ka arrimiso Laascaanood, halka dadka Laascaanood ay si cad u diideen ka mid ah ahaanshaha Somaliland.

Exit mobile version