Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in goobaha ay ku dagaallamayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ee buuraha Caalmiskaad ay shalay iyo maanta degganayeen.
Puntland waxa ay sheegtay habeen hore in halkaasi ay duqeyn ka dhacday oo lagu burburiyay goobo ay Daacish qaraxyada ku sameeyaan, isla markaana lagu beegsaday xubno kooxdaasi ka tirsan.
Dhanka kale Dalal ay tiradoodu sii kordheyso ayaa aaminsan in aad loogu dhow yahay ninka maamula hawlgallada caalamiga ah ee kooxda Daacish.
Sida Warbixin ay toddobaadkan soo saartay kooxda dabagalka cunnaqabataynta Qaramada Midoobay, kuna salaysan sirdoonka dowlado xubno ka ah Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in si weyn loogu kalsoonaan karo in Khaliifka Daacish uu yahay Cabdulqaadir Muumin, oo sidoo kale madax u ah laanta kooxdan argagixisada ah ee ka howlgasha Soomaaliya.
Ahmiyada uu Cabdulqaadir Muumin u leeyahay howgalada caalamiga ee Daacish ayaa iminka noqday kuwo aanay shaki ku jirin, waxaana waqtigan la helay xog sheegeysa in uu maamulo howlgalada caalamiga siiba kuwa Afrika, waxaase shaki la galiyey in waqtigan uu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee kooxdaasi.
