Friday, September 12

(Hortabin Media) – Dagaallada u dhaxeeya maleeshiyada Fano iyo ciidamada dowladda Itoobiya ayaa weli socda, waxaana dagaalka xoogiisu uu ka dhacayaa magaalada Gondar oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Amxaara.

Sida wararku sheegayaan dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, ilaa iyo iminkana ma muuqato xal laga gaarayo colaada ka taagan halkaasi.

Kal hore oo shalay ahayd sarkaal u hadlay Milatariga ayaa ku eedeeyey maleeshiyada gobolka Amxaara inay isku dayayaan inay af-gambiyaan dowladda federaalka iyo tan gobolka.

Kooxda falaagada ah ee Fano ayaa maleeshiyo dagaal-yahanno ka qorata qowmiyadda Amxaarada , iyadoo ay xusid mudan tahay in ay xulufo la ahaayeen ciidamada Itoobiya  ee ENDF xilligii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Tan iyo markii dagaalka sokeeye ee gobolka Tigray, oo deris la ah gobolka Amxaara, uu dhammaaday bishii November, xaaladda iminka taagan ayaa noqoneysa mid amni oo taasi ka khatar badan, maaddaama maleeshiyada Fano ay gacanta ku dhigeen magaalooyin dhowr ah, welina ay yihiin kuwa awood badan muujinaya.

Exit mobile version