Monday, September 15

Dagaalka dowladda kula jirto Al Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka ayaa noqday mid daba dheeraaday arrimo badan awgood.

Qorshaha dagaalka oo aan si toos ah loo dejin, ayey caqabada koowaad ku sheegayaan qubaradu, waana dhibaato dhanka hoggaanka ciidanka ah.

Sidoo kale waxaa jira Khilaaf hoosaadyo ka dhex oogan saraakiisha ciidamada, waana tallaabo curyaamineysa in dagaalka guul laga gaaro.

Ciidamada deegaanka oo doorkoodii uu meesha ka maqan yahay, waa dhibaatada ugu weyn ee uu wajahayo wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Dhamaan qodobadan waa kuwo cuuryaaminaya wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, kaas oo iminka noqday mid jiitamaya.

Exit mobile version