(Hortabin Media) – Maanta barqanimadii waxaa magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Dagaalkan oo khasaare gaystay ayaa ciidamo uu u dhaxeeyo waxey u abaabulan yihii qaab beeleed, waana kuwo isku qabtay muran ka dhashay arrimo la xiriir dhul.
Dhinacyada dagaallamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xoogga dagaalku uu ka dhacay dhanka xeebta ee magaalada Marka.
Maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha dowladda ee Marka weli kama hadlin dagaalkaasi, waxaana jirta walaac iyo cabsi ay dareemayaan dadka rayidka ah.
WQ: Ayaanle Qoyste