Saturday, September 13

Saacadihii la soo dhaafay meelo ka mid ah xaafadaha magaalada Garoowe, waxaa ka dhacay dagaal culus.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaridka iyo kuwo maamulka, ayey xiisadiisu taagneyd maalmihii la soo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in ay maqlayaan rasaas teel teel ah, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu xoogeysto.

Ciidamada Mucaaridka ayaa diidan inuu Barlamanku uu furo Dastuurka Puntland, kaas oo looga hadlayo arrimaha xisbiyada maamulkaas.

Si kastaba, waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey kordhayey walaaca ka taagan Garoowe, waxaana arrintaan ka gaabsaday inuu ka hadlo maamulka Puntland.

Exit mobile version