Sunday, September 14

Barqanimadii maanta waxaa deegaanka ku yaalla duleedka degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud ka dhacay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa ka dhashay, muran dhul oo ay mudooyinkii danbe isku heysteen milkiyadiisa.

Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa hubkii ay isku adeegsadeen laga maqlayey magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo shaqaaqadan ku baxay, ayaa iyaguna la rasaaseeyey, waxeyna taasi keentay in ay isaga soo laabtaan goobtii ay xalka u aadeen.

Maamulka Galmudug kama hadlin dagaalka ka socda duleedka Ceeldheere, waxaana dagaalka uu yimid xilli maanta lagu guda jira maalinkii koowaad ee Ciidul-adxa.

Exit mobile version