Friday, September 12

(Hortabin Media) – Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaal saacadihii la soo dhaafay dhex maray Jabhada buurta gacan libaax ku sugan iyo ciidamada Somaliland.

Dagaalka dhinacyada dhex maray oo ahaa mid xooggan, ayaa socday saacado badan, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan

Taliyaha Booliska Somaliland Maxmed Adam Saqadhi oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in jabhadu ay dishay ciidamo badan oo ka tirsan booliska Somaliland.

Wuxuu sheegay in ciidamadooda lagu soo qaaday weerar gaadmo ah, iyagoo aanan ku tala jirin wax dagaal ah.

Xaaladda deegaanada Somaliland ka taagan ayaa sii adkaaneysa, waana mid ka dhalatay loolanka xisbiyada ee arrimaha doorashooyinka.

Jabhadan isku aruursatay buurta gacan libaax ayaa weeraro joogto ku soo qaadaya ciidamada Somaliland, waxaanay hore u afduubteen gaadiid iyo hub ay lahaayeen ciidamada Somaliland.

Exit mobile version