Sunday, September 14

Dagaal xooggan ayaa saadihii ugu danbeeyey ka qarxay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalkani uu u dhaxeeyaa labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan u dhaxeeya beelahan Soomaaliyeed ee walaalaha ah, ayaa salka ku haya arrimo la xiriira aanooyin qabiil, waana walaac hor leh oo soo kordhay.

Dhinacyada oo u muuqday in la soo hubeeyey ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalku uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa sababay in ay barakacaan dadka rayid ah ee ku sugan gudaha Qoryooleey, waxaana weli cakiran xaaladda degmada.

Exit mobile version