Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Dagaal xooggan ayaa gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Xudur, waxa uu ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii weerar gaadmo ah, ay Al Shabaab ku soo qaadeen fariisimaha ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidamada dowladda ayaa iska caabiyey kooxdii weerarka ku soo qaaday, waxaana dagaalkii dhinacyada dhex maray uu socday ku dhawaad shan saacadood.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo sababtay in ay barakacaan qaar ka mid ah dadkii goobta ka agdhawaa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa guullo ka sheegtay dagaalkan, waxaana ilaa iyo iminka la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada soo kala gaaray.

Exit mobile version