Dagaal xooggan ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu dhacay duleedka Baydhabo, gaar ahaan deegaanka Goofgaduud buurey oo 30km u jira Baydhabo.
Dagaalka oo socday ku dhawaad 4 saacadood ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna ahaa weerar ay Al Shabaab ku soo qaadeen deegaankaasi, oo dhawaan lagala wareegay.
Lama ogga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi, welina wax war ah kama aysan soo saarin dhinacyada.
Asbuuc ka hor ayey ahayd markii ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaankan, oo ka mid ah meelaha laga ilaaliyo amniga Baydhabo, oo xarun u ah maamulka Koonfur Galbeed.