Dagaal xooggan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaan u dhaw degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada Jubaland iyo kuwa Al Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Weelmaaro oo 45km dhinaca Bari ka xigta Afmadow.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Jubaland oo howlgal sameyanaya, ay la kulmeen maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab oo deegaankaasi ku sugneyd.
Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa duwan, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka, inkastoo weli aan la xaqiijin tiro sugan.