Sunday, September 14

Wararka ka imaanaya degmada Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada degmadaas ay degan tahay ka dib dagaal halkaas ku dhexmaray Ciidamada dawlada iyo kuwa degaanka .

Inta la ogyahay 4 Ruux ayaa ku geeriyooday saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaalka  shalay ka dhacay degmada Camaara ee koofurta gobolka  gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegaya in dagaalku uu bilowday ka dib markii ciidamada degaanka ay ka caroodeen falal dhac ah oo loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah ee degmadaas.

Dagaalkii halkaas ka dhacay oo la isku adeegsaday hub kala duwan uu saameeyey isku socodka Dadka iyo ganacsiga.

Ciidamada ku dagaalamay degmada Caamara ee gobolka Mudug ayaa iska kaashaday dagaalkii Alshabaab looga saaray degmadaasi waxaana haatan socda dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda.

Exit mobile version