(Hortabin Media) – Dagaal khasaare kala duwan geystay ayaa dhex maray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwo booliska Hirshabelle, waxaana dagaalka uu ka dhacay magaalada Jowhar.
Dagaalka ayaa billawday kadib markii ay magaalada rasaas ka rideen ciidamo ka tirsan Danab oo marayey gudaha Jowhar oo ay fadhiisin ku leeyihiin duleedkeeda.
Intaa wixii ka danbeeyey booliska Hirshabelle oo rasaastaasi ka jawaabaya ayaa dilay hal askari oo Danab ka tirsan, iyagoo dhawaacay mid kale.
Ciidamada Danab waxaa u soo gurmaday askar kale oo Danab ah , kuwaas oo ka soo ruqaansaday fariisintoodii duleedka Jowhar, waxaana halkaasi ka billawday dagaal aad u xooggan.
Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Hortabin Media, dagaalka ayaa qaatay saacado badan, waxaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Xaaladda Jowhar ayaa saakay degan, walow laga dareemayo xiisad ka dhalatay dagaalkii shalay maqribkii halkaasi ka dhacay, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhex maro labada dhinac.