Dagaal aad u xooggan ayaa iminka ka socda degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib weerar ay Al Shabaab ku soo qaadeen deegaankaasi.
Dagaalka oo aad u qaraar, ayey dhinacyadu isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana iminka uu dagaalku socdaa ku dhawaad 3-saacadood.
Ciidamada dowladda ayaa helaya gurmad aad u fara badan, waxaana caawinaya diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo duqeymo ka geysanaya meelaha ay Al Shabaab kaga sugan yihiin degmadaasi.
Guud ahaan xaaladda degmada Ruunirgood ayaa maanta cakiran, waxaana degmada isaga barakacay dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku sugnaa.