Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, waxaa halkaasi maanta ku dagaallamay ciidamo ka wada tirsan dowladda, oo u abaabulan qaab qabiil.
Dagaalkan oo ka billawday khilaaf soo kala dhex galay saraakiisha ciidamada, ayaa isku rogay mid qabiil, waxaana ilaa iyo iminka halkaasi ka socda dagaal xooggan.
Ciidamada dagaallamaya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, lamana ogga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi xooggan, waxaana badankood ay ka soo barakaceen degmada, iyagoo maciin biday duleedkeeda.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka ka socda Ceelbarde waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena xigga, hadduu alle raalli ka noqdo.