Sunday, September 14

Dagaal aad u qaraar ayaa saacadihii ugu danbeeyey Degmada Diinsoor ku dhex maray Ciidamada Itoobiya ee Halkaasi ku sugan iyo Kooxda Al Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa billawday kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimada ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa socday wax ka badan 8 saacadood, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo qal qal ku abuurtay dadka rayid ah.

Al Shabaab ayaa dagaalkaasi ka sheegtay guulo, waxeyna warbaahintooda tabisay in ay dileen Saraakiil Itoobiyaan ah, kuwo kalana ay dhaawaceen.

Dhanka Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayaa iyaguna sheegay in ay iska caabiyeen kooxdii weerarka ku soo qaaday, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare baaxad leh.

Dagaalkan ka dhacay magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, waxaa ka sii horeeyey dagaal qaraar oo isna ka dhacay degmada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana dagaalkaasi uu u dhaxeeyey ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan iyo Kooxda Al Shabaab, oo iyagu weerar ku soo qaaday.

Si Kastaba weeraradan ayaa u muuqda kuwo ay Al Shabaab ku beegsanayaa saldhigyada ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah kuwo ATMIS.

Exit mobile version