Sunday, September 14

Deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa waqtigan ka socda dagaal beeleedyo, dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Falalka naxdinta leh ee dagaal beeleedyadaasi lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah, in beelaha is haya ay iska gubayaan guryaha, waana arrin ay aad ula yaabeen shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waqtigan ku dhaqaaqay xalinta dagaalkaas uu dhiiga ku daadanayo.

Dad badan oo siyaasadda Soomaaliya la socda ayaa aaminsan in colaad beeleedyadan ay hurinayaan kooxda Al Shabaab, oo indhaweydba dagaal culus lagula jiray, waxaana kooxdu ay xiisadan u aragtaa mid fursad u siineysa in ay dib ugu soo xoogeystaan Shabeelaha Dhexe oo kal hore deegaanno ka mid ah laga fara maroojiyey.

Exit mobile version