Monday, September 15

Waxaa sanadihii ugu danbeeyey gudaha gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoostaga Maamulka Hirshabelle, ka dhacayey dagaal beeleedyo, kuwaas oo soo noq noqda.

Aqoonyahanada qaar ayaa sheegaya in arrintan xalkeeda uu ka gaabiyey maamulka Hirshabelle, waana kuwo taasi u sababeynaya soo noq noqshada dagaal beeleedyadan.

Dagaal beeleedyadan ayaa ku soo aaddan xilli aad u adag, oo ay dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto kooxda Al Shabaab, waxaana Hirshabelle ay ka mid tahay meelaha uu ka socdo gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.

Dagaal beeleedyadan ayaa la rumeysan yahay in ay cuuryaaminayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan in ay kaalin ku leedahay Al Shabaab, taas oo fursad nafis ah ka dhex raadineysa colaaddo kale oo gobolka ka dhaca, maaddaama iminka ay caddaadis adag kala kulmayaan dowladda Soomaaliya.

Qabaa’ilada Soomaalida ayaa inta badan isku qabsada dhul daaqsimeed, waxaana colaada dagaal beeleedkooda ka dhalata ay geysataa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo mararka qaar la waxyeeleeyo dadka biri-mageydada ah.

Exit mobile version