Saturday, September 13

Gudaha dalka waxaa ka soo cusboonaaday toddobaadkan dagaal beeleedyo hor leh, kuwaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Dagaal beeleedyada oo ay qeyb ka yihiin ciidamada dowladda ayaa ka billawday meelo ay ka mid yihiin Baraawe Iyo Ceelbarde, waxaana weli taagan xiisadaha ka oogan goobahaasi.

Baraawe waxaa ku dagaallamaya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo huwan magac qabiil, waana kuwo ku loolamaya gacan ku heynta magaaladaasi, oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Ceelbarde oo ka tirsan gobolka Bakool, waxaa ku dagaallamaya ciidamo ka wada tirsan dowladda, oo iyaguna u abaabulan qaab qabiil, waxaana si la mid ah ay isku hayaan, ka arriminta magaaladaasi.

Culeysyada dagaalladan u dhaxeeya ciidamada dowladda gaar ahaan, kuwa Koonfur Galbeed, ayaa curyaamin kara howlihii looga fadhiyey maamulkaasi.

Maamulka ayaa lagu eedeynayaa inuu ka gaabiyey, xalinta dagaallada taagan, waxaa eed taasi la mid ah wajahaya saraakiisha ugu sareysa ciidamada dowladda, oo iyaguna kaalintooda ay kooban tahay.

Dagaalladan u dhaxeeya ciidamada dowladda ee huwan magaca qabiil, waa kuwo wiiqaya filashadii laga qabay ciidamada dalka, oo lagu wado in dhawaan lagu wareejiyo amniga dalka, maaddaama dhimis lagu sameynayo ciidamada ATMIS.

Exit mobile version