Saturday, September 13

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashy dagaal beeleed saacadihii ugu danbeeyey ka dhacay deegaanada hoostaga gobolka Mudug.

Dagaaladan ayaa u dhaxeeya labbo beel oo walaalo ah, waxaana dagaalka xooggiisa uu ka dhacay deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

Dagaalka maanta dhacay ayey dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dirirtu ay socotay saacado aad u fara badan.

Dagaalka maanta dhacay ayaa sababay barakac xooggan, waxaana weli is hor fadhiya labada beelood ee ku dagaallamay Afbarwaaqo.

Exit mobile version